Sheekh Shariif oo sheegay in aysan marnaba aqbali karin in Xoogaga Wadaniyiinta ay…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta loo doortay in uu Hogaamiyo  Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan wali cadeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa xili uu sii dhamaanayo waqtiga jiritaanka dowlada hada jirta.

Waxa uu cadeeyay Sheekh Shariif in aysan marnaba aqbali karin in la aruuriyo koox loogu magac daray Xoogaga Wadaniyiinta kadibna doorasho lagu galo, waxa uuna xusay in aysan jirin wali wax laga heshiiyay oo ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa.

”Waxaan ka diidnay Madaxweyne Xasan Sheekh in doorashadii 2017 lagu qabto Iskoolo Bolisiya oo aan u aragnay in aysan ahayn goob dhex dhexaad ah, waayo waxaa taageersanaa taliyihii booliiska, marka Madaxweyne Farmaajo miyaan ka yeelaynaa Xoogaga Wadaniyiinta ayaa i dooranaya ee marqaati ii noqda, Jawaabtu waa maya, ” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif Sheekh ayaa sheegay in sababaha loo sameeyay Madasha Xisbiyada Qaran ay tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen in dadku helaan cadaalad iyo wax heshiis lagu yahay, waxa uuna ka digay in awood wax lagu raadiyo.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ku mideesan qaar kamid ah xisbiyada waa weyn ee dalka ka jira gaar ahaan xisbiyada Mucaaradka, waxaana xisbiyadan kamid ah Siyaasiyiin waa weyn ay kamid yihiin Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -