Faahfaahino ka soo baxaya Masuuliyiin ku dhintay doontii ku qalibantay B/Weyne (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan doontii maanta ku degtay xaafado ku yaalla magaalada B/weyne oo ay buux dhaafiyeen biyo fara badan oo ka dhashay fatahaada webiga Shabelle.

Doontan ayaa waxaa la socday mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan iyo maamulka degmada Baladwayne, waxayna u socdeen iney kormeeraan mashaqada ka dhalatay fatafahaada iyo sida ugu haboon ee dadka gargaar loo gaarsiin karo.

Dayuurad Helicobter ah oo ay leedahay QM ayaa ka qeyb qaadaneysay baadi goobka masuuliyiinta doontu la rogmatay.

Howlwadeeno iyo xubno ka tirsan maamulada Hirshabelle iyo Hiiraan ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen shilkan, Dahabo Xasan Axmed oo aheyd La-Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ka mid ah dadka la xaqiijiyey iney dhinteen.

Mas’uuliyiinta Doonta la socotay ee la soo badbaadiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Shiikh Cali, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax iyo xubno fara ku tiris ah, waxaana illaa hadda nolol iyo geeri lagu heynin dad 7 qof gaaraya.

Xaalada fatahaada webiga shabelle ayaa waxaa uga sii daray roobab Mahiigaan ah oo xalay saacado badan ka da’ay Magaalada Belad-weyne iyo nawaaxigeeda, waxaana socda qeylo dhaan ka imaneysa qeybaha bulshada si loogu gurmado kumanaan qoys oo daadsan dhulka taaga ah ee Belad-weyne kuwaasoo aan heysan hoy iyo waxay ku noolaadaan.

Fatahaadan ayaa sidoo kale saameysay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo gabi ahaan xirmay, taasoo sii adkeyneysa in loo gurmado dadka ku bara baxay mashaqada ka taagan Belad-weyne.

Dahabo Xasan Axmed oo aheyd La-Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ka mid ah dadka la xaqiijiyey iney dhinteen.
(Dhexda) Duqa degmada Beled-weyne Safiyo Xassan Shiikh Cali oo laga soo badbaadiyey shilkii saaka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -