Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay Boqolaal qof oo xaalku ku xumaa (Sawirro)

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta lacag ay dhar ciid ku gataan siiyay 314-qof oo ka koobnaa qoysaska danta yar iyo dadka baahiyaha gaarka qaba kuwaas oo ka kala socday Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Deeqdan lacageed oo uu Duqa Muqdisho Mudane Madaale gaarsiiyay qoysaska danta yar iyo dadka baahiya gaarka qaba ayaa loogu talagalay in ay uga faa’ideystaan ka qeyb qaadashada farxada Ciidul Fidriga, iyada uu qorshuhu yahay in tira Laba-kun oo qof ah la gaarsiiyo deeqdaasi Lacageed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo dadka Alla S.W.T wax siiyay in ay xasuustan oo ay garab istaagaan dadka danta yar.

Dadkan maanta lacagaha loo qeybiyay qaarkood ayaa xaalku ku xumaa, waxaana ku adkeed in ay helaan lacago ay dhar iid ugu gadaan carruurtooda iyo kuwa iyaga naftooda ku gataan, waxa ayna maamulka gobolka uga mahadceliyeen deeqda ay siiyeen..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Suuqa Bakaaraha & Khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday

Caydiid Ali

Nin cirbad ku dilay mid kamid ah Ilaalada Hotelka Xayaat oo Gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Masuuliyiintii Waan waanta ka dhax waday Farmaajo & Rooble oo loogu baaqay in Runta sheegaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---