Danjirihii ay is afgaareen Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay inuu iscasilay

Safiirka Britain ee Mareykanka Kim Darroch ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley, islamarkaasina uu sheegey in ay adag tahay in uu sii wato shaqadiisa, kadib markii la dusiyay errayo ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu adeegsaday.

War uu soo saaray Darroch ayuu ku yiri “Inkastoo uusan booskeyga shaqo uu ku eg-yahay illaa iyo laga gaaro dhammaadka sanadkan, haddana, waxaan aamisannahay xaaladdan lagu jirto darteed, inaan aqbalo in la soo magacaabo danjire cusub.”

Darroch, waxa uu ahaa dibmulaasi sare oo Britain u joogey Washington tan iyo 2016.

Safiirka Britain ayaa Trump cambaareyay isagoo ku eedeyay in uu yahay qof aan fadhiyin islamarkaasina aan laheyn wax xirfad ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo bhadalkaas ka careysan ayaa shalay ayaa ku tilmaamay safiirka inuu yahay qof doqon oo maraan ah.

“Safiirka waalan ee UK ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay” ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -