Golaha amaanka ee Q/Midoobay oo ka hor yimid go’aan ay qaadatay dowlada Soomaaliya

Kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ee QM ayaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee xiligan taagan.

Golaha ayaa waxa uu ugu horeyn dhageystey warbixin ku saabsaneyd Soomaaliya oo uu soo gudbiyey safiirka Belgium u fadhiya QM Marc Pecsteen, oo warbixintiisa ay taabatey dhinacyo badan.

Qodobada uu ka hadley waxaa ka mid ahaa waxqabadka muhiimka ah ee gudiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta Soomaaliya oo uu goluhu sameeyey.

Pecsteen ayaa xusey in waxyaabaha ay guddigu la socodkooda ay guulahana ka gaareen ay ka mid tahay hoos u dhigista dhoofinta dhuxusha iyo la socodka hubka si uusan u gelin gacanta kooxda Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale goluhu ka dooday walaac xoogana ka muujiyey diidmada dowlada federaalka ee ku aadan la shaqeynta guddiga khubarada QM ee la socodka xad gudubyada ka dhaca Somalia.

Danjireyaasha QM u fadhiya dowladaha Britain, Jarmalka iyo Belgium ayaa sheegay inaan la aqbali Karin diidmada dowlada federaalka ee ka dhanka ah la shaqeynta guddigan oo ay sheegeen iney muhiim u tahay xaqiijinta guulaha Somalia ka gaartay dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska, waxayna ku baaqeen in dowladu ka laabato go’aankeeda, lana shaqeyso guddigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -