Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad & danjiraha Sacuudiga u fadhiya Somalia? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Muqdisho, Safiirka sacuudiga u fadhiya Dr. Mohamed bin Abdul-ghani Khayat.

Intii qaabilaadda lagu guda jiray ayaa waxaa laga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo midka walaalnimo ee salka adag leh ee u dhexeeya madaxda iyo shacabka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta wax wadaag xooggan oo wax ku ool ah oo ku saabsan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saarray ka wada hadalka arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ku qotoma xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo si adag uga hadlay Hanjabaadii Cumar Finish (Akhriso)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo 24 saac gudahood xukuno toogasho ah ku fulisay dadkii ugu badnaa

Caydiid Ali

DF oo War cusub ka soo saartay dibed- baxii lagu balansanaa ee Mucaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---