Al-Shabaab oo 24 saac gudahood xukuno toogasho ah ku fulisay dadkii ugu badnaa

Al-Shabaab ayaa galabta fagaareyaal ku yaalla degaanada ay maamulaan xukun toogasho ah kula fulisay illaa 10 qof, kuwaasoo dadka ay toogteen 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhigtay 16 ruux oo ay ku jirtay haweeney.

Fagaare ku yaalla degmada Buula Fuulay ee gobolka Bay ayaa maanta gelinkii dambe lagu dilay illaa 5 ruux oo lagu helay inay u basaasayeen sirdoonno caalami ah sida lagu sheegay war Al-shabaab ay soo saartay.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa isla maanta maanta degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ku toogatay illaa 5 rag ah oo lagu eedeeyay inay sirdoonka Mareykanka ka tirsanaayeen

Isku geyn dadka maanta lagu dilay Jilib iyo Buula Fuulay ayaa gaaraya 10 ruux, shalay ayayna aheyd markii sidaan oo kale 6 ruux loogu dilay degmada Saakow ee Jubbada dhexe.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili shalay Maamulka Puntland uu toogasho ku fuliyey 21 nin oo lagu eedeeyey iney ka tirsanaayeen Al-Shabaab, waxaana la aaminsan yahay in toogashada badan ee ay fulisay Al-shabaab ay jawaab u tahay talaabada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -