Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Recep Erdogan oo Hanjabaad culus hawada soo marsiiyay

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hanjabaad culus hawada u mariyay dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga Siiriya, xili ciidamada dalkaasi howlgalo xoogan halkaasi kawadaan .

Erdogan oo ka hadlayay goob xaflad ah ayaa sheegay in madaxa ka jari doonaan kooxda Kurdiyiinta ah ee dagaalka kula jira ciidamada Turkiga hadii aysan isaga bixin aaga dagaalka.

” Dagaalyahannada Kurdiyiinta haddii aanay sidii qorshaha ahaa ka bixin aagga nabadda ee waqooyiga Suuriya madaxa ayaan ka jari doonaa ” ayuu ku hanjabay Madaxweyne Erdogan.

Dowlada Turkiga ayaa xabad joojin mudo kooban ah ka hirgalisay aaga dagaalka kadib codsi ka yimid Mareykanka, waxa ayna Turkiga doonayaan in xooga uga saaraan aaga ay joogaan Kurdiyiinta hadii aysan isaga bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Mid ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaalida ugu waaweyn oo geeriyooday

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Farmaajo oo booqday Beladweyne, Indhihiisana ku soo arkay dhibaatada fatahaada

Caydiid Ali

Iiraan oo soo bandhigtay Gantaal Nuuca ridada dheer oo casri ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---