Berlanga Martinez iyo staffan Tillander oo maanta booqasho ku tagay Hargeysa (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Somaliland .

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka  golayaasha wakiillada iyo deegaanka Somaliland oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Midowga Yurub ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin in Somaliland taageeraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -