Faah Faahino kasoo baxaya Nabadoon Caan ahaa oo galabta la dilay

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in galabta halkaasi lagu dilay nabadoon caan ahaa kana mid ahaa Waxgaradkii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Baydhabo.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan ay toogteen Nabadoon Ibraahim Maxamed Ibraahim oo caan ka ahaa degmada Afgooye, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilka fuliyay.

Ciidamo booliis ah ayaa gaaray dilka kadib xaafada 21-October ee Degmad Afgooye, waxaana la sheegay in ciidamada ku guul dareesteen in ay gacanta kusoo dhigaan ragii dilka fuliyay.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilkan galabta loo geestay nabadoonka caanka ahaa, Al Shabaab ayaana horey u sheegatay masuuliyada dilal kala duwan oo loo geestay Nabadoono iyo Ergooyin Xildhibaano kusoo doorteen gobolada dalka.

 

- Advertisement -