Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Farmaajo oo booqday Beladweyne, Indhihiisana ku soo arkay dhibaatada fatahaada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta booqday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xaalad bini-aadamnimo oo aad u daran ay ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, isaga oo ka xog-wareystay sidii dadaallada haatan socda loo xoojin lahaa masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha ayaa yiri “Maanta waxaan halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go’doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

Waxaa saaka la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Raísul Wasaare Xamse oo tacsi ugu tagay qoyska Ugaaskii Beesha Murusade

Cabdi Cade

Mashruuc Indho fiiqis bilaash ah oo ka socda Muqdisho & qaar ka mid ah gobolada (Sawirro)

Caydiid Ali

Hantiile qodanayay god uu ka galo hubka Nukliyeerka oo Dacwad lagu soo oogay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---