Maxkamad ku taalla Iran oo xukun culus ku riday nin la dashay Madaxweyne Rouhani

Nin la dhashay Madaxweynaha dowlada Iiraan Hassan Rouhani ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah ka dib markii Maxkamad ku taalla dalkaas ay ku heshay dembi ah musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Hossein Fereydoun oo ahaa la taliye u dhow madaxweynaha, ayaa Arbacadii maanta galay xabsiga Evin ee magaalada Tehran, sida uu qareenkiisu sheegay, waxaana lagu helay dambi ah inuu laaluush qaatay.

Maxkamada ayaa sidoo kale amartay inuu soo celiyo hanti kasta oo uu si sharci darro ah ku helay.

Waxay sidoo kale maxkamadda racfaanku ku ganaaxday inuu bixiyo lacag dhan 310 bilyan oo riyaal oo u dhiganta $27 milyan oo doolar taasoo ah lacag aad u fara badan.

Fereydoun wuxuu beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha, oo ah nin qunyar socod ah, waxay sheegeen in arrintan ay mas’uul ka yihiin shakhsiyaad kasoo horjeeda Rouhani oo ku jira waaxda garsoorka, ayna doonayaan inay wax u dhimaan sumcadda Madaxweynaha.

Madaxweynaha Iiraan macagiisa dhabta ah waa Hassan Fereydoun, laakiin wuxuu magaca labaad u baddalay erayga Rouhanitobannaan sano ka hor markii uu ku biiray waxbarashada diiniga ah.

Waxaa Rouhani uu horey u ballan qaaday inuu cirib tiri doono musuqmaasuqa, intii uu ku guda jiray ol’olihii doorashada madaxtinnimada ee sanadihii 2013-kii iyo 2017-kii. Hase ahaatee inuu ka dhabeeyo kuma Guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -