Saddex nin oo goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa goor dhow abaare 8:45 fiidnimo waxay saddex nin ku dileen wadada buundooyinka ee kala qeybisa degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Ragga la dilay labo ka mid ah ayaa watay Mooto nooceedu ahaa Fekon waxaana rasaas ku boobsaday dabley bastoolado ku hubeysan xili ay marayeen ka soo horjeedka Masjidka Bandhabow oo ku yaalla buundada xigta dhinaca iskuulka Raage Ugaas.

Ninka 3aad ayaa ahaa darawal Bajaajle wadada marayey ka dib markii ay haleeshay rasaastii loo waday labada nin ee la socday mootada kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mid ka mid ah ragga la laayey loo qaaday goobaha caafimaadka isagoo qaba dhaawacyo halis ah

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilalka geystay ay ku baxsadeen Mooto bajaaj, waxaana joogsaday isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada buundooyinka.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo goobta gaaray ayaa ridaya rasaas aan la garaneyn cida ay la beegsanayaan, waxayna halkaas ka wadaan, iyadoo warar aan la xaqiijina ay ay sheegayaan in ragga la dilay labo ka mid ah ay ka tirsanayeen ciidanka dharcada ah ee Nabad sugida Somalia.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -