Trump oo telfoon kula hadlay Erdogan iyo Xayiraad la saaray masuuliyiin Turki ah

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa telfoon kula hadlay madaxweynaha dalka urkiga Reccep Tayyip Erdogan, waxa ayna labada madaxweyne kawada hadleen howlgalka Turkiga ka wado Waqooyiga Siiriya.

Trump ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Turkiga in howlgalka ay ka wadaan ciidankooda gudaha Siiriya la hakiyo lana gaaro xabad joojin, waxa uuna Xukuumada Ankara ku cadaadinaya joojinta howlgalkaasi.

Trump ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu Ankara u diro wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, si ay mas’uuliyiinta dalkaas ula yeeshaan wada-hadallo lagu xalinayo xaaladda.

Xukuumada Washigton ayaa cunaqabateyn saartay Wasiiro iyo saraakiil sar sare oo katirsan dowlada Turkiga, waxa sidoo kale Mareykanka sare u qaaday canshuurta la saaro biraha Mareykanka looga soo dhoofiyo Turkiga.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale shaacisay in la hakiyey wada-hadallada heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 bilyan oo dollar oo uu la lahaa Turkiga, waxaana talaabooyinka yihiin kuwa lagu cadaadinayo Xukuumada Ankara.

Mareykanka ayaa ka careesan howlgalka milatariga Turkiga ka wadaan Waqooyiga dalka Siiriya, Ciidamada Turkiga ayaana magaalooyin kala wareegay dagaalyahanada Kurdiyiinta ee taageerada ka heli jiray Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -