Al Shabaab oo la wareegtay deegaan ay ka baxeen ciidanka Milatariga Soomaaliya

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in ciidamada milatariga Soomaaliya galinkii dambe ee shalay ka baxeen fariisimo ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Ciidamada ayaa ka baxay fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Gaalow oo kuyaala inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad, lamana oga sababta ay ciidamada milatariga uga baxeen deegaankaasi iyo waliba halka ay u dhaqaaqeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahano katirsan ciidankooda ay la wareegeen deegaanka Ceel Gaalow oo ay ka baxeen ciidanka dowlada, waxa ayna Shabaab sheegeen in ciidanka halkaasi uga baxeen cabsi ay ka qabaan weeraro dhankooda uga yimaada.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan wali ka hadlin ciidanka milatariga ee la sheegay in ay ka baxeen deegaanka Ceel Gaalow iyo la wareegida Al Shabaab ee deegaankaasi.

- Advertisement -