Riyadii Quruxda badneyd ee Jiifka iidiiday, Allow Run ka dhig !!! .

Waxaan safar ugu baxay gobolada Soomaalida oo idil. Waxaan socodkayga ka soobilaabay Bari, Sanaag, Awdal, Maroodi jeex, Togdheer, Sool,  Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Jubada dhexe, Jubbada  hoose. Shabeelada dhexe iyo Shabeelada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Gobolka Benaadir.

Waxaan ku arkay dhul aad ubalaadhan oo hodan ah. Dhulka qaarkiisa waa ban waana dhul ku haboon beerashada iyo wax soosaarka.Dhulka qaarkiisna waa dhul aad ugu haboon dalxiiska iyo jawi deganaanta. Waa dhul markaad marayso aad kuu soojiidanaya aragana uroon.Waa dhul aad uqurux badan ishuna ku ilqabowsanayso kolka ay daymooto.

Waxaad moodaysaa Gabar 18 jir ah Alle ku manaystay joog iyo jamaad, garasho iyo awaal dheer, debecsani iyo dhowrsanaan. Saw ma ahan qof Nin walba u hanqaltaagayo sidaas silamida ayaa dhulka qaarkiisa waxaad moodaysaa gabadhaas oo kale oo waxaadba niyaysan in aadan ba katagin oo aad ku noolaato inta ka dhiman cimrigaaga.

Waxaa aad iisoojiitay dhul marka ishuqabato aad umalaynayso in aad Janatul firdowsa dhex joogto.Markaad maqasho shimbiraha ka dhex guuxaya Allena mahadinaya oo haddana madiixaya waxaad moodaysaa in dhegahaaga ku soodhacayaan Arday Quraan Akhrinaysa oo ku jira subcis haddana isla helaya. Sowdkooda oo aadka umacaanka badan oo ka soo baxaya wadaadka iyo ardada kolka haddana jawigu yahay mid degan oo bilaa buuq ah oo aan lahayn sawaxan iyo buuq, Alla saw kuma raaxaysatid Quraanka iyo habka ay subciska uwadaan. Saw niyaddu kuuma degto oo isma dhahdo Alleylehee maantaad liibaantay. Saw ilin farxadeed gobo’ ma kaa tiraahdo, ciddii ku aragtana saw inta ay kula yaabaan oo maku dhahaan maxaa kaa oohiyay oo aad la ilmayn.

Saw farxad iyo raynrayn darteed hadalkiiba ma aadan gabin, saw niyaddu kuuma degin, kol dambe ma aadan oran waxaa la ilmeeyay farxad. Waxaan ku raaxaysanaayay sawdka aadka umacaan ee ka soo baxaya ardada iyo macalinkooda oo Quraanka akhrinaya, qalbiguna farxad darteed saw illin igama quban.Saw dadkii oo dhan lama tacajubin iyaguna dhegta saw uma dhigin oo kuma wada raaxaysan. Midkastaana saw ma moodin in uu ku dhex jiro janadii Allaah oo farxad darteed Alle saw umawada mahadnaqin.

Sidaas silamida ayaa qalbigayguna wuxuu aad ugu raaxaysanaayay shimbirahaas Madiixaya oo ku hadaaqaya Af ay iyagu isku garanayaan balse qalbigayguna aad ugu raaxaysanaayo sawdka yar ee ka soobaxaya iyo isla helidda.Saw ma aadan jeclaysateen in aad dhex joogto oo afkooda taqaano, saw ma aadan ku fekerteen in aad baalalyeelato oo la duusho lana ciyaarto.

Waxaa ka siidaran dhulka quruxdiisa, Alla saw naftuba ma jeclaysanayso in ay dhex joogto oo aysanba katagin, saw niyaddu ma dareemayso neecow macaan saxansaxo udgoon badan oo kolkaas daruur mahiigaan ah inta biyaha adkaysan wayday Alle saw kuma hoorin dhulkaas aadka uquruxda badan. Alla saw baliyadu biyo walac ma noqon. Dhulkuna leeyahay geed gaab iyo geed dheer iyo nagaar iyo caws wada cagaaran.

Alla saw ma jeclaanaysid in aad hadba gar uboodo oo aad dareento farxad aan xadlahayn saw isma moodaysid in aad dhex joogto janooyinkii Alle.Niyaddu miyay ku siinaysaa in aad ka tagto dhulkaas, naftuba ma ogolaanayso in aad ka dhex baxdo nimcadaas. Alla ruuxii uu la doono kheyr iyo baraare wuxuu geeyaa janooyinkiisa, wuxuuna Adduun iyo aakhiraba ku naaloonaayay nimcadaas oo kale.

Nacas mooye ma cidkale oo nacdaa jiraysa nimcadaas?Su’aashu waa maya qof walba waxa uu kutaamaya in uu helo barwaaqadaas oo inta adduunka uu joogana ku noolaado farxad iyo baraare, aakhirana janatul firdows iyo nimcooyinka Alle ugu yaboohay adoomadiisa har iyo habeen utaagnaa cibaadadiisa iyo samafalkiisa.Anoo ku jira farxad iyo tamashlaynta dhulka ayaa waxaan udhaqaaqay meel kale si aan u arko deegaankaas nasiib wanaag waxaan arkay dhulkii dhul ka sii qurux badan. Bilicda, baaxadda, baliyada, buuralayda iyo meelo banaan oo caws iyo nagaar aad ujilicsan kuyaal. Saw anigii ooyay oo dhahay ma dhul saan oo dhan uqurux badan miyaa kuyaal Soomaaliya?!!

Alla farxad awgeed saw afkuba juuqda magabin saw waxaan ku hadlo maan garan waayin. Saw anigii iska ooyay oo illini iga qubatay. Waan iska baroortay farxad awgeed.Anigoo yaaban oo iska fadhiya oo meel aan aado garan waayay oo dhulka quruxdiisa kala dooran la’ ayaa waxaa iiyimid libaax aad uxoogan baabusha kacsantahay.

Dhanka cadceeda xaggiisa ayuu ka soo socdaayo qaabka uu usoconaayo waxaad moodaa Askari Soomaaliyeed inta la siiyay tababar aad uxoogan oo haddana loo dhamaystiray agabkiisa, kana muuqato waddaniyad iyo geesinimo.Haddana lagu taxay garaado oo shaqaystay.

Alla saw cadowgu marka uu arko manaxo, saw tiraanyo iyo shalay magasho, saw naxdin darteed difaaca kama cararo. Saw marka ay arkaan isma dhiibaan burji awgiis isagoon buntikh iyo baanad midna wadan.Saw muwaadinka Soomaaliyeed kolka uu arko askarigaas waddaniga magasho hididiilo iyo farxad saw ma uu dareemo in uu haysto xorriyad iyo kalgacayl. Saw ma uyeesho  awood uusan haysan hadda ka hor, saw kuma dhiirado in uu ubooteeyo cadowgooda ileen halyay baa garabkiisa joogee.

Sidaas silamida ayaa waxaan arkay libaax, idinkuna waad ogtihiin oo libaax meel uujoogo in cayayaan oo idil isaga cararaan guuxiisa awgiis. Saw dareemayso kolka aad cidlo joogto oo uu kaa soo horbaxo Aar libaax baqdin iyo argagax. Saw niyadda iskama tiraahdid adduunyo waad seegtay oo aakhiro uhoyan adoo calool libaax dalaq yiri.Anigoo dhaqaaqiwaayay cabsi iyo naxdin isugu kaytimid ayaa waxaa iiyimid libaaxii, wuxuuna soo istaagay hortayda isagoo gilgishay sida neef ido ah oo inta roob ku da’ay biyaha korkiisa saaran iska gilgilaysa oo inta afarta lugood inta kala fogeeyaan saw halmar isma ruxaan si ay biyaha korkooda saaran isaga gediyaan.

Sidaas silamida ayaa libaaxii isku gilgilay oo inta hamaansaday oo afka kala qaaday oo miciyo aad uweyn itusay isagoo dhoolatus ay ka tahay.Ani saw isma oran dunida waad ka tagtay oo aakhiro ayaad ujalbeebatay.Balse maxaa dhacay naxdin awgeed saw ma suuxin in saacado ah. Saw riyo naxdin ah ma arag,  saw anigii naxdin darteed ma moodin in iilka jiifo, saw halmar oo qudha ma maqal codka Baran-barqada ama Qalanjada waa naagta libaaxa ahee.Saw halmar kor uma boodin, waxaanse arkay labo cago baruur ah waa dhasha libaaxe, gooshii ama qalanjadiii iyo Aarkii oo agtayda cayaaraya.

Markii ay arkeen in aan naxsanahay ayuu Alle amarkii Aarkii xagayga soo aaday oo waxa uu iqabtay gacantayda.Wuxuuna igu dhahay ha cabsan, xiligii cabsida waa dhammaatay.Waxaad tahay muwaadin Soomaali ah oo ku socdaalaya dalkiisa hooyo, kuna faraxsan quruxda, bilicda iyo barwaaqada taal dhulkaaga hooyo.Waxaan kuu sheegaya nimcada Alle inasiiyay waa mid Eebbe noogu raxmaday oo waxa uu nagu siiyay Saamaxaadiisa iyo awoodiisa. Maanta Alle ayaaba noo naxariistee saw ma haboona in aan anaguna isku naxariisano oo iswaacino. Keena tabarta darana saw ma haboona in aan ugargaarno oo garab iyo gaashaan unoqono.

Wuxuu intaas iiraacshay Xiligaan aad joogtaan waa xiligii Soomaali iscafisay, waa xiligii dulmigii iyo dhibkii ay isku gaysteen iska booga dhayeen.Waa xiligii Alle utoobad keeneen oo saqiir iyo kabiir arkeen in dembiyadii ay galeen ay ku kasbadeen gacmahooda oo Alle ku caasiyeen.

Balse Alle ayaa soo wada hanuunshay tusay xaqa, tusayna wadada saxda ah, kana toobad keeneen dembiyadi hore isna cafiyeen.Sidaas darteed Alle ayaa karaamadoodii sooceshay, sharaftoodii Alle sooceliyay.Waxayna ka bexeen abaartii Alle ku imtixaamay, dagaaladii lagu halaagay, dulmigii ay iska galeen, cadowgooda oo ay garteen, diintooda oo ay hanteen, shareecadii islaamka oo ay isku xukmeen, naftooda oo ay cadaab ka badbaadiyeen.Taas waxay keentay intaas iyo inkabadanba Alle ka korqaaday dhibkaas uguna beddelay farxad iyo barwaaqadaas aad arkaysaan. Alle waa jecelyahay kuwa   utoobad keena oo dembi dhaaf waydiisto balse Alle ayaa xaqa tusay.

Dadkii oo idil waxay heleen Ammaan, caddaalad iyo sinaan.Waxay qabiilkii ku beddesheen qaranimo, qabyaaladiina waa iska suuliyeen. Waxaa meesha ka baxay xatooyadii, waxaa timid is aaminaad iyo kalsooni. Waxaana meesha ka baxday isqabqabsigii wayna isku tanaasuleen.Dalka waxay uhorseedeen in dhaqaalaha wadanka kor ukoco, ammaan helo bulshadii caalamka oo idil ay wadanka ku soo tartamaan, waa adiga ujeeda in wadankii uu noqday janno oo kale.Waxaana meesha kaaga muuqda oo farxad darteed aad la ilmaynaysay saacado ka hor.

Libaaxii oo hadalkiisa siiwata ayaa dhahay waxaad safar lug ah ku madhay dhulka Soomaalida oo idil ma aragtay hal wax oo ku baqdin gasha saan dhahay? Maya, ma arag.Wuxuu dhahay ma garan karta sababta aad ula kulmi wayday wax dhibaato ah? Waxaan dhahay maya magaran karo.Wuxuu dhahay Alle ka sokow, dalka waxaa ka dhalatay caddaalad, waxayna uhorseeday waddanka oo dhan in uu noqdo barwaaqo iyo ammaan. Waxaa intaas dheer in dhammaan habar dugaag xamaarato iyo socoto is nabadgeshaan. Waana sababta aad u arki wayday wax ku cabsi gesha ilaa farxad iyo damaashaad mooyee.

Ani markaad i aragtay waad naxday balse waxaad ogayd xili habar dugaag iyo dadku isku ahaayeen cadow balse taasi waa dhammaatay.Waxaana kuu daliila ani oo ah Aar, labadayda cago baruur oo ilmaha ah iyo habartayda oo ah qalanjo ama baranbarqo in aan agtaada ku ciyaarno anagoo dhib kuu gaysan.Waxaana kuula joognaa in aan kuu wehelyeelno oo kula ciyaarno, baratano marna aan kawada sheekaysano xaaladda guud. Waxaana rajaynayaa in aan is aamino anagoo idil.Waxaan aad ugu riyaaqay sheekada aadka uquruxda badan oo uu iga sheekeynaayo aad baan ugu xiisay waxaana jeclaystay in uu sheekadiisa iiwado oo igaga sheekeeyo wixii uu u joogay.

Nasiib wanaag waxa uu idhahay waxaad tahay nin dhalinyaro ah, adduunkuna ucusub yahay waxaana ku cajab gashay quruxda iyo bilicdaan aad arkayso iyo wixii aad soo arki jirtay.

Waxa uu idhahay lama yaabayo dadka Soomaalida waayo waa qowmiyad ukala qeyb qeybsan qabiil, waa dad caabuda qabiil, waa dad waxkasta ka hormariya xataa cibaadadooda waxay ka hormarshaan qabiil.

Waxaan kuu sheegaya daliil cad oo dhab ah waxaana ka mid ah. Marka labada ruux is aroosayaan waxaa loogu buraanburaan nasab iyo gob is heshay, laandheere is hantay dadka wadadagoo isku hayba baad tihiin IWM.Ka bacdii waxaa dhasha ilmo halkii lagarabay in la dhaho Alle mid daaci ama daaciyad Islaamka ugargaarta/ugargaara baa dhashay iyo in ay sida sunada ah laraaco oo ilmaha lagu adimo, lagu aqimo afka loogasho Timir IWM.Balse intaas lidkeeda ayay Soomaalidu dhahdaa oo ah Alla reer hebel qabiil hebel waxaa udhashay Wiil ama Gabar oo reer abti uyihiin reer hebel walle waa nin leh reer abti iyo qabiil adag oo aan lamarikarin.

Waxaa lagu barbarshaa reer hebel baad tahay, reer hebel baad kadhalatay qabiil hebel isma arki karno dagaal iyo labo xiniyood baa naga dhexeeya.Waxaana uu ku koraa sidaas.Waxaa lagu barbaarshay xaaraan iyo wax aysan xaq ulahayn oo la soodhacay ama xatooyo dadweyne ah ama waxaa lagu soo barbaarshaa hanti ummadeed IWM ilaa dad yar oo Alle ka cabsi ku dambeeya mooye.Ilmaha noocaas ah oo aan waddaniyadda lagu korin ee lagu korshay reer hebel makula tahay in uu dal dhisaayo ama haddii xukun loo dhiibo in uu qaran ushaqeynaayo? Mase kulatahay in uu cadaalad ka shaqeynaayo.Su’aashu waa maya.

Taas waxay dhalisay in aad noqotaan dadka adduunka ugu liita ugu qabka yar, duniduna idin aragto wax aan rajo lahayn oo weligood saas ku jiray.Dalkiinii baa la boobay, la dhacay, lakala qeybsaday waxaana saf loo galay in la idin kala jajabsho oo qeybo qeybo la idinka dhigo. Waa la idin kala laalushay oo waxaa la idin soo addeegsaday kaad ku sookoriseen qabiil, dulmi iyo xatooyo dad weyne.

Alla duul kasta Alle saas kama dhigo ilaa in iyagu iska dhigaan mooyee. Qoom aan isbeddelin Alle ma beddelo. Soomaaliduna waxay dhibka ku jirtaba kolkii ay aragtay in waddankii uusan gacan ugu jirin, dalkoodii la boobay, qabiilkiina uu bohol iyo dullinimo ukeenay. Way fekereen, way isku yimaadeen dood dheer iyo aragti iswaydaarsi waxaa layska arkay halka ay sartu ka quruntay iyo dhibka meesha uu ka jiro?.Waxay sameeyeen waa isku habar wacdeen dhammaan dhalinyaradii ka yarayd 45 sano jir waxay qaateen calan cad oo nabad ah.Waxayna socod kuwada mareen dhammaan geyiga Soomaalidu degto. Waxaana lays qabsaday gacmaha.

Waxayna go’aan ku gaareen in ay iscafiyaan, waxkastana xalan dhalay laga sooqaado, wixii maanta ka dambeeyana qabiil meel layska dhigo loona soo jeesto in dalka horumarkiisa laga shaqeeyo ummaddana bog cusub loo furo.

Waxay kaloo go’aan ku gaadheen in Alle loo toobadkeeno, sharciga Islaamkana lagu dhaqmo, adduunyadana lalatartamo.Alle wuxuu qadaray in nimcadaas aad maanta ujeedo in lahelay, Allena toobadiinii wuu aqbalay.Allena wuxuu ugu jecelyahay addoonkiisa inta dembi galo haddana Alle utoobadkeena.Waana sababta aad maanta heerkaan ugaadheen.Waxaa intaas kugu darayaa waxaa dunida ka soo haajiray markii ugu horaysay ugaadhii dalka Soomaaliya caanka ku ahayd.Waxayna maanta iyaga oo aan cabsanayn ku raaxaysanayaan dalkoodii Alle ku uumay. Waxaana indhahaaga ku aragtaa wax lagaaga sheekeyn jiray adoo yar laakiin aadan arag.

Aarkii oo hadalkiisa siiwata ayaa iiraacshay saw ma ogid in adduunkii maanta idinka idin layaaban yihiin. Dalal badan waxay go’aan ku gaareen in Soomaaliya oo kale noqdaan.Dad badan oo dunida ku noolaana waxay usooyaaceen Soomaaliya si ay nimcadaas Alle siiyay dunida Islaamka ah ugu naaloodaan.Waxayna waddamadii Soomaaliya laga jaray dib ugu soo noqdeen Soomaaliweyn xataa waddamo kale oo deriskiina ah ayaa go’aan ku gaadhay in ay ka mid noqdaan dalweynaha Soomaaliya.Waxaas oo dhanna waxaa keenay waa Alle dartiis oo aad utoob keenteen iyo caddaalad aad isku xukunteen iyo iscafintii aad iscafiseen.

Waxaad noqoteen dalka Adduunka ugu qanisan caalamka, ugu ammaanka badan, ugu caddaaladda badan, uguna quruxda iyo baaxadda weyn.Waa adiga arkaya in qofkasta oo Soomaali ah iyo dadka ku soobiirayba in ay maanta ku noolyihiin nolol tan ugu saraysa, in xataa adduunku meel uusan gaarin in aad gaadheen kuna gaadheen waqti yar.Waxaa dalweynaha Soomaaliya laga waayay qof faqiir ah, xataa inta uu noolyahay waxka badan ayuu haystaa. Waxaad gaadheen in adduunka aad quudisaan oo malaayiin ummad ahna ku tiirsanyihiin kaalmada aad siisaan.Dad badan oo malaayiin kor udhaafayana ay Soomaali darteed usoo muslimeen.

Waxaana idinku bishaaraynayaa in aad tihiin dadka Adduunka ugu niyadda wanaagsan uguna qalbiga wacan uguna farxadda badan.Waxaad haysataan wax aysan haysan dunida kale iyo dadyowga Adduunka.Kolkii uu halkaas marayo ayaa waxaa uyeedhay baranbarqadii, waxayna ku tidhi waxaa lagaadhay xiligii dunida aan usheegi lahayn in uu caddaalad ka jirto Soomaaliya.

Kolkaas ayuu igu dhahay ina keen aan tagnee balse waxaan ku idhi xoogaa ayaan halkaan joogayaaye oo waxaan ku indho qabowsan nimcadaan Alle nasiiyay.

Kolkaas ayuu dhahay Aarkii ama libaaxii waxaan kuu hayaa war farxadleh oo aydaan maqal abidkiin.Saan farxad darteed halmar ayaan cirka ubooday oo waxaan la soo booday iga sheekee kolkaas ayuu dhahay waynu isku soonoqon.Farxadaas waxaa kaa xiga oo qudha dulqaad iyo isku kalsoonaan.Haddii aad samirto inta aan kaa maqanahay hubaal in aad tihiin Dadka ishaarada laygu tusay.Waan farxad mid aad udaran balse nasiib wanaag waanba kacay oo waxaanba ku jiray riyo ayay ahayd.Waxaana taagan saalaadii subax.

Waxaan rabaa qofkasta oo ku taqasusay fasiraada riyooyinka in uu ii fasiro riyadaas.Waxay iidiiday hurdadii, waxaan gabay howlo badan oo ihoryaalay.Dadka waxgaradka ah, aqoonta usaaxiibka ah, ehludiinka ah iyo qof kasta oo garasho dheer in uu fikir wanaagsan riyadaas ka baxsho.

Email. Mahamudp2@gmail.com

W/Q: Maxamuud Axmed Muuse Tallman

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -