Faah Faahino kasoo baxaya Qarax lagu dilay askar badan oo Kenyan ah (Daawo Sawirada )

Waxaa shalay deegaan hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ka dhacay qarax miino oo khasaaro xoogan uu kasoo gaaray ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya gaar ahaan kuwa u tababaran sida milatariga.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamada Kenya xili ay sameenayeen howlgal roondo ah, waxaana qaraxa miino oo wadada dhinaceeda lagu sii diyaariyay uu bur buriyay gaarigii ciidamada la socdeen.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay 10-askari  oo katirsan ciidamada booliiska ee sida milatariga u tababaran, waxaana qaraxa uu bur buriyay gaarigii ay la socdeen ciidamada oo nuuciisa lagu sheegay Toyota Land Cruiser.

Kormeeraha Guud ee Booliska Kenya, Hillary Mutyambai ayaa xaqiijiyay in toban askari oo ciidankooda katirsan lagu dilay qarax miino oo lagula beegsaday Deegaanka Damajale ee hoostaga magaalada Gaarisa.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lagu dilay ciidamada Kenyanka ah, waxa ayna Al Shabaab marar badan qaraxyo miino ku dileen ciidamo badan oo Kenyan ah oo ka howlgalayay gobolka Waqooyi bari ee Kenya.

 

- Advertisement -