Dagaalo qaraar oo ka socda xadka ay wadaagaan dalalka Siiriya iyo Turkiga (Sawirro)

Dagaal culus ayaa ka socda Magaalada ku taalla xuduuda Siiriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya.

Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen inay la wareegeen magaaladaasi, balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay.

Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale beenisay in ciidamadeeda ay beegsadeen ciidamada Mareykanka ka dib markii wasaarada gaashaanhiga Mareykanka ay sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray.

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa la sheegayaa in la dilay isla markana in ka badan 200,000 oo qof ay qaxeen afartii maalmood ee uu dagaaka socday.

Go’aankii Madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya, iyadoo Xukuumadda Turkiga ay u aragto kooxda YPG koox argagixiso ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -