Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo la horgeeyay Warbixin la xiriirta Dhibaato ka taagan Muqdisho (Sawirro)

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Related posts

Deni oo xoojiyey la xisaabtanka heyadaha Mamulkiisa & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Askari dil iyo dhaawac ka geystay deg. Belad-xaawo oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

(Daawo) Digniino culus oo laga bixiyey halis bilaha soo socda ku soo wajahan Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---