Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo la kulmay Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan kuna baaqay Dagaal (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo hogaaminaya howlagalada baahsan ee lagula dagaalamayo Al Shabaab, ayaa kulan la qaatay xildhibaano, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaa uu kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweyne Guudlaawey ayaa kulanka kaddib shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan howlgalada dalka looga xureynayo Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo dadka deegaanka ee Al Shabaab ka xureeyay deegaanno badan, isagoo xusay in dhowaan deegaanno iyo degmooyin muhiim ah laga dulqaadi doono kooxda Al Shabaab.

Gobolka Shabeelaha Dhaxe ay ku xoogan yihiin Al Shabaab ayaa waxaa ka bilowday howlgalo ka dhan ah kooxdaasi, waxaana laga saaray Al Shabaab deegaano dhaca duleedka Degmada Balcad.

 

Related posts

Cabsi xoogan oo lasoo daristay Haweenka ka shaqeeya Nadaafada gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Trump oo ku hanjabay in xayiraad dhinaca socdaalka kusoo rogi doono Dalal Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade

Fursad qaaliya: Dugsiga Amiin Quran Online oo arday cusub qaadanaya 2022

Cabdi Cade
Taboola Ads ---