Axmed Madoobe oo baaq culus u diray hogaanka sare ee dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dib u doorashadiisa kadib ay socdaan dadaalo lagu xalinayo wixii tabashooyin ah ee jira albaabaduna ay u furan yihiin dhamaan dadka reer Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasabad lagu caleemo saarayey oo maanta lagu qabtay Kismaayo.

Waxaa uu xusay inuu xooga saari doono xoraynta degaanada maqan iyo daadejinta maamulka si shacabku ay lahaansho u dareemaan waxaa uu intaas ku daray in taasi ay wadada u xaarayso afar sano oo horumar iyo nabadgalyo ah oo dadka reer Jubbaland ay ay ku naalooyaan

Axmed Madoobe ayaa sheegay in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya aanay cidina qaadan karin isagoo xusay in wararka bulshada lagu beer laxowsanayo ay yihiin kuwo aan marna niyad jabinaynin shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe ayaa dowlada federaalka ay tahay waalid, dowladaha xubnaha ka ahna ay yihiin caruurtii, loona baahan yahay inay is kaashadan oo si wadajir ah danaha Qaranka uga shaqeeyaan isagoo dowlada ugu baaqay wadahadal, wuxuuna Madaxweyne farmaajo ku casuumay inuu yimaado magaalada Kismaayo.

Mar uu ka hadlayey arimaha doorashooyinka 2020-ka ayuu Axmed Madoobe sheegay inay muhiim tahay in wakhtigooda ay ku dhacaan si Nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah si taas loo gaarana ay muhiim tahay in talaabooyin hore hadda la qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -