Xildhibaan Aadan Barre oo shaaciyey sababta Kenya u taageereyso Jubbaland

Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ka mid ah Xildhibaanada ka socda dowladda Kenya ee ka qeyb galay xafladii caleema saarka Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Kenya iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer.

Kenya iyo Jubbaland ayuu sheegay iney ka wada shaqeeyaan amaanka xadka ay wadaaggaan labada dhinac, isagoo Jubbaland ku sifeeyey saaxiib gaar ah oo Kenya leedahay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in dowladda Kenya ay hambalyo u dirayso Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo si wanaagsan uga shaqeeyay amniga Xadka Jubbaland iyo Kenya.

”Jubbaland & Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo ku aadan wada shaqeynta dhanka ammaanka, waxaana hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jubbaland” ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle oo intaas ku daray in Jubbaland ay muhiim u tahay ammaanka Qaranka Kenya.

Xildhibaan Aadan Barre ayaa hogaaminayey wafdi ka socday dowladda Kenya oo maanta dayuurad gaar ah ku tagay Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Axmed Madoobe, waxayna tani xad gudub ku tahay amarkii ka soo baxay waaxda duulista hawada Somalia ee lagu joojiyey duulimaadyada tooska ah ee Kismaayo iyo Nairobi.

Aadan Barre ayaa ka mid ah xubnaha baarlamanka Kenya ee sida weyn u taageersan dowlada wadankaas, isagoo dhowaan dowlada kenya ugu baaqay iney ciidamo xoog leh geyso dhul badeedka lagu muransan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -