(Daawo Sawirro) Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey oo si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Guriceel

Wafdigii uu horkacayey Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka soo ambabaxay Magaalada Cadaado ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa waxaa degmada Guriceel ku soo dhoweeyey masuuliyiin iyo dadweyne fara badan oo safnaa bartamaha magaalada.

Xubnaha la socda Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo masuuliyiin kale.

Waxaa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha bulshada inta uu joogo degmada Guriceel

Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galay xaflad balaaran oo lagu mideynayey maamulada Galmudug iyo ahlu sunna taasoo ay sidoo kale ka qeyb galeen madaxda maamul goboleedyada wakiilo ka socda beesha caalamka, siyaasiyiin, xildhibaano, odayaal dhaqameedyo iyo dad kale oo fara badan.

Madaxweynaha oo horey u soo maray magaalooyin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa socdaalkiisa ku soo gebagebeyn doona doona degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo la filayo inuu maalinta beri ah gaaro isagoo ka dibna ku soo laaban doona Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -