Gudoomiye Waaxeed Caawa lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafad katirsan degmada Warta Nabad ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Gudoomiye Waaxeed katirsanaa degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeesan ay rasaas ku fureen Gudoomiyihii waaxda sedexaad ee degmada Warta Nabad Abuukar Ibraahim Yuusuf Abuukey, waxaana dilka kadib goobtaasi si nabad galyo uga baxsaday ragii dilka fuliyay.

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa si deg deg ah usoo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan baaritaano ay ku raadinayaan ragii dilka ka dambeeyay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka caawa loo geestay Gudoomiye waaxeedkan katirsanaa Degmada Warta Nabada, waxa ayna Shabaab sheegeen howlgalka lagu dilay masuulkan u dhacay sidii loogu tala galay

Dilkan caawa loo geestay Gudoomiye Waaxeedkan katirsanaa  maamulka degmada Warta Nabada ayaa kusoo aadaya xili jimcihii lasoo dhaafay degmadaasi lagu dilay Taliyihii saldhiga booliiska degmada Warta Nabada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -