Falanqeyn & warbixin kooban oo ku saabsan Xafladii caleemo saarka Axmed Madoobe (Sawirro)

Munaasabad lagu caleemo saarayey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo taasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaal hore, siyaasiyiin iyo xildhibaano u badan mucaarad, wafdi ka socday dowlada Kenya iyo qeybaha bulshada.

Munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa hareeyey hadalada dhaleeceynta iyo bahdilka ah ee loo jeedinayey dowlada Somalia, marka la eego madaxda iyo siyaasiyiinta khudbadaha ka jeedinayey.

Wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaan ka qeyb gelin munaasabadaas, iyadoo beesha caalamka ay horey u diideen natiijadii ka soo baxday doorashada Jubbaland ka dib markii Axmed Madoobe uu ka caga jiiday fulinta qodobo ay u soo bandhigeen oo la xiriiray sidii doorashada ay u noqon lahedyd mid hufan.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in wafdi ka qeyb geli lahaa caleemo saarka oo ka socda dowlad degaanka Soomaalida, kana soo ambabixi rabay saaka magaalada Jigjiga la joojiyey ka dib amar ka soo baxay dowlada federaalka Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa xiriir dhow la leh dowlada Somalia, waxayna isku dayday iney dowlada federaalka ka caawiso sidii meesha looga saari lahaa Axmed Madoobe doorashada ka hor inkastoo ay ku fashilintay.

Dhinaca kale, Wafdi uu horkacayey guddoomiyaha aqlabiyada Baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka qeyb galay munaasabada iyagoo Kismaayo ku tegay dayuurad jebisay amarkii xalay ka soo baxay dowlada federaalka Somalia ee lagu mamnuucay Duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Kismaayo.

Aadan Barre ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageersan mowqifka Kenya ee ku aadan muranka Badda isagoo dowlada Kenya horey ugu baaqay in haddii badda xeelad lagu waayo ay xoog adeegsato, waxaana ka qeyb galkiisa loo arkaa mid weji gabax iyo fadeexad ku ah madaxdii hore ee Qaranka iyo kuwa kale ee goob jooga ahaa.

Siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada ayaa iyana munaasabadaas uga faa’iideystay hadaladii looga bartay iyo dhaliilaha ay u jeedinayaan madaxda sare ee dowlada oo ay ku eedeeyeen kelitalisnimo iyo madax adeyg ay sheegeen iney sababi karaan burbur cusub.

“Dowladdii aan ka tirsanaa ma taqaano Wada hadal iyo Tanaasul waa in laga adkaado ama ay adkaato” ayuu yiri Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumada Somalia Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka hadlay munaasabadaas.

Axmed Madoobe oo la aaminsan yahay in dib u doorashadiisa aan hanaan cadaalad ah loo marin ayay hadda neef ka soo foqday inkastoo siyaasiyiinta soo camiray caleemo saarkiisa ay u badan yihiin kuwo baagamuundo ah oo aan wax xilal ah heynin, waxaana Axmed Madoobe u yaalla shaqooyin adag oo ay ka mid yihiin sidii uu doorashadiisa uga gadi lahaa dowlada dhexe iyo beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -