Hanti Dhowraha Qaranka oo meel ku sheegay 18-kii Malyan ee Qasnada dowlada laga waayay

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Cali Afgooye oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay warbixin sanadeedka uu soo saaray xafiiskiisa iyo lacago la sheegay in ay maqan yihiin.

Maxamed Cali Afgooye ayaa sheegay Warbixinta uu xafiiskiisa soo saaray aysan ku jirin lacag la lunsaday, waxa uuna tilmaamay in dad dano gaar ah leh in warbixintaasi si khaldan u fasireen.

Mr Afgooye ayaa sheegay in lacagta 18-ka Milyan ee maqan aan la lunsan balse ay ku jirto Bangi akoon ay dowladda dibadda ku leedahay, waxa uuna cadeeyay in qorshuhu yahay in lacagtaasi lagu soo wareejin doono Hay’adaha maaliyadda ee dalka.

Hanti-dhowraha Qaranka ayaa xusay in dadka qaar aysan warbixinta ay soo saareen si fiican u aqrin, waxa uuna sheegay in kaliya ka qaateen Warbixinta qeybo gaar ah isagoona tilmaamay in ay tani qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirta.

Waxa uu sheegay in dunida dhan ka jirto markii warbixin nuucan oo kala ah lasoo saaro in dadka siyaabo kala duwan u fasiraan, waxa uuna ugu baaqay Warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeed in ay si fiican u akhriyaan warbixinta ay soo saareen.

Warixintii kasoo baxday Xafiiska Hanti Dhowraha ayaa lagu sheegay in 18-ka Milyan dollar oo kamid aheyd deeqaha dowlada heshay aan la ogeyn halka ay ku baxday, waxaa sidoo kale Warbixinta ku jirtay in Hay’adaha dowlada qaar dib u isticmaaleen lacago soo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -