Bangiga Amal oo Daah furay adeeg ay ka faa’iideesanayaan dhalinyarada (Daawo Sawirro)

Bangiga Amal ayaa adeega DHALLINKAAB ka daahfurtay Magaalada Mogadishu  10/10/2019 kaas oo uu ugu talo galay Bangigu hormarinta iyo maalgalinta ganacsiga dhalinyarada.

Bangiga Amal aya adeega DHALLINKAAB horey uga soo hirgaliyay magaalooyin Farada badan. Ujeedada Adeega DHALLINKAAB ayaa ah inuu soo saaro dhalinyaro hadafkoodu yahay inay noqdaan ganacsatidii berri iyo inuu soo saaro dhalinyardii abuuri lahayd shirkadaha ugu waawayn gayiga soomaaliya.

Adeega Dhalinkaab ayaa ka kooban sedex (3) qaybood oo kala ah:

  1. La talinta dhalinyarda dhanka ganacsiga.
  2. Tababarida dhalinyarada dhanka ganacsiga.
  3. Maalgalinta ganacsiga dhalinyarada (Deeq, Qardul-xassan iyo Muraabaxa lagu siinayo qiimo dhimis ah 50%).

Adeega DHALLINKAAB ee Bangiga Amal ayaa bixin doonaa la talin iyo tababar ku salaysan habka ay u shaqeeyan shirkadaha ganacsiga iyo maamulkooda ka dibna ay u maalgaliyaan dhalinyarada dhamaysata tabobarkaas ayna siiyaan deeq ay ku aasaasi karaan hal-abuurka fikradahooda ganacsi, abuurida ganacsi baaxad leh iyo hormarinta ganacsigooda.

Bangiga Amal ayaa aaminsan inay dhalinyaradu yihiin hantida ugu qaalisan ee ummada guud ahaan, sidaas darteed uu Bangiga Amal diirida u saaray dhalinyarada Soommaaliyeed.

Adeeega DHALLINKAAB waa mid ka mid ah adeegyada ugu waawayn ee uu Bangiga Amal ka hirgaliyay asagoo eegaya caqabada ay dhalinyarada soo kacaysa ama heerka sarre ee waxbarashada dhamaynaysa la kulmayaan ayna ka mid yihiin shaqo la’aan iyo shaqo abuur ganacsi intaba.

Waxaa sidoo kale Baniga Amal u qorshaysan inuu goordhaw ka hirgaliyo adeega DHALINKAAB Magaalooyin ka kale sida, Hargaysa, Kismaayo, Burco, Garoowe, Boorame, Qardho iyo Laascaanood, Buuhoodle, Baydhabo Iyo Baladwayn.

Daahfurka Adeega DHALLINKAAB ee Magaalada Mogadishu ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Baniga Amal, Wazaarada shaqada iyo Arimaha Bulashada, Masuuliyiinta gobolka, Culimada, Dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Magaalada Mogadishu, waxayna uga mahadceliyeen Bangiga Amal kuna dhiiri galiyeen inuu Bangigu sii wado adeegyada uu u fidinayo bulshada dhamaanteed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -