Daawo Sawirada: R/Wasaaraha Itoobiya oo kulan xasaasi ah a qaatay Madaxweyne C/fataax Al-sisi

Ra’isul-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqasho labo maalin qaadatay ku tagay magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar, waxa uuna kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Masar C/Fatax Al Sisi.

Labada Masuul ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleyn arimo la xiriira Wabiga Niil Xoojinta Xiriirka qotada dheer ee Labada Waddan u dhaxeea , Iskaashiga Ganacsiga iyo Wershadaha.

Dowladaha Itoobiya iyo Masar waxaa mudooyinkii dambe u dhaxeeyay mad madow ka dhashay  Dhismaha Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Itoobiya oo dowlada Adis Ababa ka dhiseyso Wabiga Niil.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa u balan qaaday Madaxweynaha Masar in dhankooda aysan waxyeelo u geesan doonin saamiga Wabiga Niil ee dowlada Masar saameyna aysan ku yeelan doonin dhismaha biyo xireenka ay dhiseen.

“Annaga, marnaba dareen kama lihin inaan sabab u noqono waxyeelo kasta oo soo gaarta dalka Masar iyo dadkiis, waxaan doonaynaa inaan ka macaashno Webiga Niil, iyadoo aan la waxyeeli doonin Danaha Masaarida” Ayuu yiri Abiy Ahmed.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalka Masar sababta uu u tagay ay kamid tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan loona dhisi lahaa kalsoonida, waxa uuna meesha ka saaray in dhibaato ka dhalato Biyaha Wabiga Niil.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya booqashada uu Masar ku yimid, waxa uuna sheegay in ay ku kalsoon yihiin R/Wasaaraha kana shaqeyn doonaan xoojin xiriirka labada wadan iyo xal u helida arimaha Wabiga Niil.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -