Daawo Sawirada : Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah Adis Ababa loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi iyo hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale, waxaaan wafdiga Madaxweynaha loo galbiyay goob loogu tala galay in ay degaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Adis Ababa u tagay ka qeyb galka shir madaxeed ay yeelanayaan Madaxda wadamada ku buhoobay Urur Goboleedka IGAD oo Soomaaliya xubin ka tahay.

Farmaajo ayaa inta uu joogo magaalada Adis Ababa la filayaa in kulamo la qaato qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysa shir Madaxeedka IGAD, waxaana madaxda Adis Ababa joogta kamid ah Madaxweynaha Kenya lamana oga in labada dhinac kulmi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -