Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Taliyaal Ciidan u magacaabay Saraakiil uu dalacsiiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise,waxa uuna u magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 10-ka, Oktoobar 2019.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday Hotelka Kuyaala Kismaayo

Cabdi Cade

Fashil taariikhi ah oo ku dhacay ciyaartii caawa dhexmari laheyd Waaberi & Dharkeynley

Caydiid Ali

Askari dhowaan Wiil iyo gabar walaalo ah ku dilay Muqdisho oo la xukumay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---