Fashil taariikhi ah oo ku dhacay ciyaartii caawa dhexmari laheyd Waaberi & Dharkeynley

Ciyaar Final ah oo caawa lagu waday iney garoonka Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho ku dhexmarto xulalka degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey la shaaciyey iney baaqatay.

Kumanaan taageerayaal ah oo illaa galabta buux dhaafiyey garoonka ayaa kala dareeray Caawa iyagoo aad u niyad jabsan ka dib markii ay ku hungoobeen ciyaartii ay filayeen iney daawadaan, iyagoo qaarkood ka yimid xaafado aad uga fog garoonka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in sababo farsamo awgeed ay u baaqatay ciyaartii caawa oo si weyn loo wada sugayey, waxaana fashilka ku yimid ciyaartan uu ahaa mid lama filaan ah oo dad badan ka yaabiyey.

Wax yar ka hor xiligii lagu waday iney bilaabato ciyaarta ayaa mar kaliya waxaa damay leyrarkii waaweynaa ee loogu talo galay iney ifiyaan garoonka, waxayna dansanayeen muddo 30 daqiiqo ah, iyadoo arrintan ay sababtay masuuliyiintii ku sugnaa garoonka inay isaga tagaan mugdiga jiray awgeed sababo la xiriira amaanka.

Waa markii ugu horeysay ee ciyaar final ah oo habeen la qaban lahaa ay baaqato, waxaana jabka iyo fashilka taariikhiga ah ee caawa dhacay ay dad badan ku tilmaameen Maamul xumo iyo dib u dhac ay dhabarka u saareen xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta iyo Maamulka gobolka Banaadir oo si wadajir ah tartankan u qaban-qaabiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -