Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Daawo Sawirada: Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa ka degtay diyaarad magaalada Garawe ka qaaday Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayay.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Xildhibaano ,siyaasiyiin iyo dadweyne badan oo loo diyaariyay soo dhaweynta.

Qasriga Madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa loo galbiyay wafdiga Madaxweynaha Puntland hogaaminayay, waxaana halkaasi kulamo kula qaadan doonaan Madaxda Jubbaland iyo wafuud kale oo hore Kismaayo u joogtay.

Magaalada Kismaayo waxaa ku qul qulaya wafuud kala duwan oo magaaladaasi u tagay caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland aysan aqoonsaneyn dowlada federaalka iyo Beesha Caalamka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xiisadda Colaadeed ee ka taagan Bariga Dhaxe

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo soo gabagabeeyey barnaamij muddo socday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Tikidhka Diyaaradaha u kala gooshaya Itoobiya iyo Eritrea oo lacag qaali ah ku bilaabanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---