Ciidamada AMISOM oo maanta dad shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa maanta qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay lagula eegtay magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Warshadaha.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa ciidamada AMISOM lala eegtay uu ka dhacay agagaarka Ceymiska, waxaana goobjoogayaasha sheegeen in qaraxa uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada AMISOM waxa ay fureen rasaas xoogan oon loo meyl dayin, waxaana rasaasta khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah oo ka agdhawaa halka lagu qarxiyay ciidamada AMISOM.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah oo mid kamid ah haweeney tahay ayaa ku dhintay rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM halka sadex qof kale ku dhaawacmeen rasaasta sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay goobjooge.

Wali lama oga khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxa miino ee maanta lagula eegtay Laamiga Warshadaha, laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaana ka hadlin qaraxa AMISOM lala eegtay iyo dilka shacabka u geesteen .

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxyo miino lagula eegtaa inta badan laamiga Warshadaha iyo sidoo kale laamiga isku xira Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgooska Ex-Control Balcad , ciidamada AMISOM ayaana qaraxyada kadib rasaas xoogan fura.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -