Askari dhowaan Wiil iyo gabar walaalo ah ku dilay Muqdisho oo la xukumay (Sawirro)

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaasoo labadii Bishii December ee sanadkii hore Wiil & Gabar Walaalo ahaa ku dilay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) iyo Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada kusoo oogtay in loo heysto dilka Alle ha u Naxariistee Sakariye Maxamuud Xuseen (Kalafoge) iyo Sowdo Maxamuud (Kalafoge) oo rasaas isku martay u geeriyooday xilli ay saarnaayeen Mooto Bajaaj agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehelada Sakariya & Sowdo iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaasta ay ku geeriyoodeen Sakariya & Sowdo uu riday Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) halka Dable Dayax uu riday xabado kale balse aysan cid waxba ku noqon.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) lagu xukumay dil toogasho ah halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -