Duqeyn dad shacab ah iyo Xoolo badan lagu dilay oo ka dhacday Deegaanka Hosingow

Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn xoogan oo lagu dilay dad shacab ah oo xoolo dhaqato ahaa .

Duqeynta ayaa ka dhacday banaanka Hoosingow waxaana ku dhintay labo nin oo xoolo dhaqato ahaa halka uu nin kalana ku dhaawacmay, waxaa sidoo kale duqeynta ku dhintay xoolo badan oo mooro ama xero ku xareesnaa.

Nin lagu magacaano Cali Afrikan oo ehel la ah dadka duqenta lagu dilay ayaa sheegay in dadkaasi madaafiic lagu garaacay, waxa uuna labada ruux geeriyootay magacyadooda ku sheegay Xuseen Baal iyo Axmed Rooble.

Maamulka Jubbaland iyo dowlada federaalka ayaan labaduba ka hadlin duqeyntan la sheegay in dadka shacabka ah lagu dilay, waxaana duqeyntan ka argagaxa dadka ku dhaqan Hoosingoow oo ka cabsi qaba in mar kale soo laabato.

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan lagu eedeeyay in duqeymo ay ka geesatay gudaha Soomaaliya ku dishay dad shacab ah, waxaana inta badan Deegaanada Jubbaland duqeymaha ka fuliya Diyaaracaha Mareykanka iyo kuwa Kenya.

- Advertisement -