Sargaal katirsanaa ciidanka Danab oo la dilay iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Waxaa shalay qaraxyo miino duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay gaadiid dagaal ay wateen ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay tababareen dowlada Mareykanka.

Qaraxyada Miino oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

Dadka la xaqiijiyay in qaraxa ku dhinteen waxaa kamid ah Taliyaha Cutubka 3aad ee Ciidanka Kumaandooska, Maxamed Cali Cusmaan (Yariisow), oo ahaa sargaal caan ah kana mid ahaa kuwa ugu fir fircoon saraakiisha da’da yar ee milatariga katirsan.

Saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa ku dhinteen shan askari halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada askarta dowlada shalay la keenay magaalada Muqdisho oo lagu daweenayaa.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lala eegtay ciidanka Danab, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxyada ka dhacay Duleedka Muqdisho ku dileen 16-askari ay ku jiraan afar sargaal..

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada lala eegtay ciidanka kumaandooska lagu bur buriyay labo kamid ah gaadiidka dagaalka ay wateen ciidanka Danab ee tababareen Mareykanka.

Qaraxyada miino ee lala eegto ciidanka dowlada ayaa kusoo badanaya laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka dagaalka iyo gaadiidka kale ay masuuliyiinta wataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -