Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo u geeriyooday Dhaawacii loo geestay

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar oo kamid ah waxgaradka ugu caansan deegaanada Jubbaland.

Nabadoonka geeriyooday oo sidoo kale ahaa Gudoomiyihii guddiga badbaadada iyo isbadal doonka Jubbaland ayaa kooxo aan heybtooda la garan waxa ay xili habeen ah Kismaayo ku dhaawaceen 13kii Bishii September ee sanadkan.

Axmed Qalyar ayaa kamid ahaa dadka sida weyn uga soo horjeeday siyaasada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo dib u doorashadiisa, waxa uuna Nabadoonka ahaa nin aan cabsan oo dhaliila Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.

Dilka Nabadoonka iyo kuwa kale oo ka horeeyay oo Kismaayo lagu dilay ayaa lagu tuhmayaa in maamulka Sheekh Axmed Madoobe ka dambeeyay maadaama dadkan la dilay ahaayeen kuwa isaga siyaasad ahaan kasoo horjeeday.

- Advertisement -