Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo soo dhaweyntiisa oo loo diyaar garoobayo

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana magaalada hada ku sugan wafdi horu dhac u ah safarka Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusomareeb u tagaya ka qeyb galka shirka ay yeelanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo la filayo in maalmaha soo aadan halkaasi ka furmo.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaana saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya sidoo kale xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale la filayaa in maanta gaaraan Madaxda maamulada qaar iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo malamihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garawe.

Shirka ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb oo ah mid xasaasi ayaa looga hadli doonaa arimaha doorashada iyo sida ugu macquul ee loo qaban karo doorasho raali la isaga yahay iyada oon mudo kotorsi la sameyn.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -