Nin baxsad ahaa oo lagu qabtay magaalada Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ku qabtay nin baxsad ahaa oo dil kasoo geestay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ninkan ayaa la sheegay in uu kasoo cararay magaalada Baladweyne markii uu dilka ka geestay, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb xili la sheegay in deegaano kale doonayay in uu usii baxsado.

Taliska ciidanka Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa ninkan la qabtay ku wareejiyay taliska ciidanka milatariga Qaybta 21aad, waxaana la filayaa in ninkan loo wareejiyo magaalada Baladweyne uu dilka ka geestay si loogu maxkamadeeyo.

Dadka dilalka geesta ayaa inta badan u baxsada deegaano iyo degmooyin fog fog ,hasa ahaatee waxaa hada muuqata in goob kasta laga soo qaban karo dadka gacan ku dhiigalayaasha ah ee dilalka u geesta dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -