Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Diidiin tiro badan oo si sharci daro ah loo dhoofinayay oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Garoon diyaaradeed oo kuyaala jasiiradda ee Baltra ee dalka Ecuador, ayaa lagu qabtay ku dhawaad 200-diindiin aad u yar yar oo la doonayay in si sharci daro ah loo dhoofiyo loogana ganacsado.

Diindiinkan oo ahaa kuwa aad u yar yar ayaa lagu soo cabeeyay boorso weyn iyadoo lagu xir xiray baco, waxaana diindiinkan la qabtay xili garoonka laga soo dejiyay lana marsiinayay boorsooyinka qeybta baarista.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee garoonka kuyaala jaziira Baltra ayaa sheegay in boorsooyinka markii la baaray laga helay ilaa 185 diindiin aad u yar yar, waxa ayna saraakiisha sheegeen in 10-kamid ah diindiinkaasi lasoo saaray iyaga oo dhintay.

Wasiirka deegaanka ee Ecuador, Marcelo Mata, ayaa dhacdada ku tilmaamay dambi ka dhan ah dhaxalka dabiiciga ah ee duurjoogta iyo xayawaanaatka dalka, waxa uuna sheegay in falkan baaritaan lagu sameyn doono.

Dalka Ecuador waxaa ka jira ka ganacsiga xayawaanka qaar gaar ahaan diindiinka, Saraakiisha la dagaallama ka ganacsiga sharci-darrada ah ee xayawaanaatka ayaa sheegay in diidiinka la qabtay uu midkiiba ugu kici lahaa in ka badan $5,000 (£3,600).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne la karantiilay ka dib markii shaqaalihiisa 40 ka mid ah laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Jeneraal Xuud oo maanta imaanaya Muqdisho lana kulmaya Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Saraakiisha Dowlad degaanka Soomaalida oo digniin adag u jeediyey shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---