Abdalla Al Rabeeh oo lagu martiqaaday in Soomaaliya yimaado

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre).
Kullanka ayaa intii uu socday waxa ay labada masuul ugu wada hadleen  sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.
 Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kullan kaani uu ahaa mid muhiim ah islamarkan kullan kan lamid ah uu ka dhici doono Soomaaliya.
“Waxaan xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre).
Waxaan ka wada hadalnay sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.  Waxaan ku martiqaaday in uu ziyaaro noogu yimaado Soomaliya taasoo uu aqbalay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -