Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Amniga Magaalada Boosaaso oo si weyn loo xoojiyey iyo Madax sare oo ku wajahan

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Puntland ayaa maanta ku wajahan Magaalada Boosaaso.

Deni ayaa ka hor safarka Boosaaso waxa uu sii mari doonaa degmooyinka Weeciye iyo Carmo & degaanada hoos yimaadam halkaasoo uu kulamo kula qaadan waxgaradka iyo qeybaha bulshada.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa saaka si weyn loo xoojiyey, waxaana wadada magaalada laga soo galo iyo magaalada gudaheeda la dhigay ciidamo aad u hubeysan oo amniga ka shaqeynaya.

Madaxweyne Siciid Cabdulalhi Deni ayaa markii uu tago Magaalada Boosaaso waxa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka degmada iyo saraakiisha Ciidamada iyo Wasiirka Amniga Puntland oo ku sugan Magaalada Boosaaso, isagoo kala hadli doono xaalada amniga Boosaaso oo mudooyinkan laga deyrinayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog:-Dilal ka dhacay Xerada Turkisom iyo Faah faahino kasoo baxaya sida ay u dhaceen

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowlada Somalia oo dalab culus hordhigtay hey’adaha Maalgashiga dalka Kuwait

Caydiid Ali

Haween iyo caruur ka tirsanaa hal qoys oo lagu laayey degaan hoos taga Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---