Shan ruux oo lagu dilay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan & Wararkii ugu dambeeyey

Ugu yaraan shan ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyoodeen tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar Maleeshiyo hubaysan ka geysteen deegaan hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dableyda ayaa rasaas ooda kaga qaaday dadkan oo la sheegay inay ku sugnaayeen Ceel-biyood laga qodayay tuulo lagu magacaabo Qabna oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Matabaan.

Wararku waxay sheegayaan dilkan inuu salka ku haayo arrimo ku aadan aano qabiil oo u dhexeysa beelo halkaas wada dega, isla markaana maleeshiyaadka dilka gaystay ay u baxsadeen degaano hoos taga degmada Matabaan

Waxgaradka degaanka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay falkaasi inay aad uga xun yihiin, isla markaana ay ku baaqayaan in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyey.

Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa muddo dheer ku dagaalamayay Maleeshiyaad halkaasi wada dega oo mar walba dib u soo nooleeya colaada, waxaana lagu guuldareystay dedaalo badan oo lagu doonayey in degaanadaas lagu nabadeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -