Madaxweyne Deni: “Maamulka Hawada Somalia ma ahan dukaan qof leeyahay”

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Somalia saartay Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana  khilaafsan dastuurka dalka.

Deni oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Jubbaland balse ay saameysay xayiraada la saaray duulimaadyadii Kismaayo ayaa sheegay in uusan ka baaqan doonin uuna ka qayb-gali doono caleema saarka Axmed Madoobe wax kastoo dhaca.

“Awoodda Dowladda ma ahan dukaan qof leeyahay oo uu siduu doono u maamusho, madaxda dowladana laga aqbali maayo iney ku takri falaan waana lagula xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxaa uu intaas ku daray in dalku uu leeyahay dastuur, dowladana looga baahan yahay iney ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta, wuxuuna xusay dowladnimadu ay tahay masuuliyad culus, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowlada iney wax ka bedelaan dhaqanka ay la soo baxeen.

Munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe oo lagu waday iney maanta ka dhacdo magaalada Kismaayo ayaa dib u dhacday ka dib markii, madax iyo siyaasiyiin lagu casuumay ay saameysay xayiraadii dowladu ku soo rogtay Kismaayo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -