Nibiri soo caariyay oo calooshiisa laga helay qashin aad u badan (Daawo Sawirada)

Xeebta jasiiradda Harris ee ka tirsan Scotland waxaa kusoo caariyay nibiri weyn aad u weyn oo bakhtiyay, waxaana caloosha nibirigan laga helay qashin aad u badan oo nuucyo kala duwan leh .

Caloosha nibirigan xeebta kusoo caariyay ayaa laga soo saaray qashin aad u badan ay kamid ahaayeen Shabaqyada lagu kalluumeysto, xargo, caagagga xarig ahaanta u sameysan ee kartoomada lagu xirxiro, baco iyo waxyaabo kale.

Warbaahinta ayaana tagay xeebta uu kusoo caariyay nibirigan bakhtiyay ee calooshiisa laga soo saaray qashinka aadka u badan, waxaana sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday nibirigan ka muuqda qashinka caloosha nibiriga laga soo saaray.

Khubarada ku xeel dheer cilmiga xoolaha gaar ahaan nolosha nibiriyada ayaa sheegay in aysan wali kala cadeyn in geerida nibirigan sabab u aheyd qashinka badan ee laga soo saaray calooshiisa.

Xubno ka tirsan waaxda baaritaanka ku sameysa xayawaannada kusoo caariya xeebaha ayaa dhacaan ka qaaday nibirigan si ay u ogaadaan sababta rasmiga ah ee keentay dhimashadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -