Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay masuul katirsan dowladda Kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ka fuliyay deegaan hoos taga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxa ayna weerarkaasi ku dileen masuul katirsan deegaan hoostaga magaaladaasi.

Weerarkan ka dhacay duleedka magaalada Mandheera ayaa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandera ee dalka Kenya Maxamad Cabdi Axmad (Jaak).

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dabley hubeesan weerar gaadmo ah ku dileen Guddoomiye kuxigeenka xilli uu ku sugnaa duleedka deegaanka Cumar Jilacow, waxaan agoobta ka baxsaday kooxdoo dilka u geesatay.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya ayaa howlgalo baaritaan ah ka sameeyay deegaanka dilku ka dhacay, lamana sheegin in ciidamada booliiska dad usoo qabteen dilka masuulkan.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow , waxa ayna Al Shabaab cadeeyeen in ay beegsanayaan cid kasto oo katirsan maamulka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=ianMAFxCRIM&t=31s

Related posts

Wasaarada amniga oo war ka soo saartay hub la sheegay in lagu kala iibsanayo Muqdisho

Caydiid Ali

Difaaca Jasiirada Greenland oo la adkeeyay kaddib damacii Trump

Cabdi Cade

Ciyaaryahan Shil galay oo isku bedelay Ganacsade Weyn (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---