Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo galabta ciidamo ka dejisay Baardheere & Xog ku aadan sababta

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa galabta laga dajiyay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kuwaasoo hordhac u ah ciidamo kale oo dowladdu ku daad gureyso gobolka Gedo maalmaha soo socda.

Sida warku sheegayo ciidamada galabta laga dajiyay Baardheere ayaa tiro ahaan gaaraya 30 askari oo saraakiil u badan, waxayna saraakiisha hogaaminaysa sheegeen in ciidamada kale ee lagu daabulayo gobolka Gedo ay maalmaha soo aadan gaari doonaan halkaas.

Talaabadaan dowladda federaalka ciidamada ku geyneyso Baardheere ayaa lagu sheegay inay hor dhac u tahay diyaargarow loogu jiro sidii loo xoreyn lahaa gobolka Jubbada dhexe gaar ahaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab in badan 10 sano.

Gobolka Jubada dhexe oo ka kooban sadex degmo oo kala Jilib, Saakow iyo Bu’aale oo ah gobolka kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan Al-shabaab, marka loo eego 18-la gobol ee Somalia ka kooban tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Israel oo sheegay iney heleen meydka qof ka mid ahayd dadkii la heystay

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay dad horey loogu xirxiray afgembigii fashilmay ee Turkiga

Caydiid Ali

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul siiyey Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---