Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweyne Erdogan iyo Madax kale

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madax kala duwan oo halkaasi ku sugan.

Farmaajo ayaa, intii lagu guda jiray Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay, waxa uu wada hadallo kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo badan ay kamid ihiin xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiya iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aaa sidoo kale la kulmay  Ra’iisul Wasaaraha Belgium Mudane Charles Michel oo isna kamid ah madaxda ku sugan magaalada New Yourk.

Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Charles Michel ayaa kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, kaalinta Belgium ee dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub u sii dardargelin lahaa taageerada uu ku bixiyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo New Yourk u tagay ka qeyb galka Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo madax kale oo shirka ka qeyb galeysa si uu ugala hadlo arimaha Soomaaliya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -