War cusub oo ka soo kordhay dad horey loogu xirxiray afgembigii fashilmay ee Turkiga

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa laashay xukunno xabsi daa’in ahaa oo hore lagu xukumay 71 askari oo ka mid ahaa askartii loo qab qabtay afgambigii dhicisoobay sannadkii 2016-kii.

Qaar ka mid ah ardaydii iyagana loo xiray hawshaas ayaa xalay laga sii daayay xabsiga Silivri ee magaalada Istanbul.

Horaantii bishan ayay ahayd markii maxkamada racfaanka ay xukuntay in la sii daayo, maadaama dambiga lagu soo oogay, ardaydu aanay waxba kala socon afgambigaas, sida oo kalena aanay ka qayb qaadan.

Qoysaskii dadkaas la sii daayey aya abaraha bulshada ku faafiyey farxadda la midawga ehelkoodii laakiin xarumaha warbaahinta dawladda ayaa inta badan ka fogaaday in ay soo baahiyaan go’aanka sii deynta

Kumanaan qof ayaa la xirxiray ka dib isku daygii afgambigaas fashilmay oo Turkigu ku eedeeyey iney ka dambeeyeen dalalka reer galbeedka.

- Advertisement -