Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Madax kala duwan kula kulmay New Yourk

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka ayaana kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka Qaramada Midoobay.

Farmaajo ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.

Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kala Shaki soo kala dhax galay Midowga Musharaxiinta iyo Sheekh Shariif oo Sabab u ah !

Cabdi Cade

Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudulood oo taageeray Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyihii gobolka Sh/Hoose oo xilka laga qaaday loona magacaabay Wasiir (Digreeto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---